Adeegyadda laga helo GSM Telesom

Adeegyadda Mobile-ka Telesom

Adeegga Mobile-ka ugu Horeeyey

Shirkadda Telesom waxay noqotay shirkaddi ugu horaysay ee dalka si baaxad leh uga hirgalisa adeega mobile-ka. Wixii ka horeeyey 2001 bulshadda Somaliland waxay adeega telefoonka u doonan jireen waddamada jaarka ah sida Itoobiya ama Jabuuti, si ay ula xidhiidhaan ama ay ula soo xidhiidhaan qaraabadooda iyo asxaabtooda ku nool dalka dibadiisa.

Cod Saafiya

Shirkadda Telesom waxay leedahay shabakad balaadhan oo si hufan oo faseex ah ay bulshadu ugu wadda xidhiidhi karaan. Shirkaddu waxay ku guulaystay in ay shacbigeeda u keento qalab casri ah oo dadku si fiican isku maqli karaan.

Adeegyadda GSM-ka Telesom

Mobile-ka Telesom waxaad ka helaysaa adeegyo tiro badan oo ay ka mid yihiin Hadalka, fariimaha gaagaaban, Aqoonmaal, Shaafi, Ila-hadal, Miss Call notification, Video Conference, Call Conference, adeegyo gaar ah. Dhamaan adeegyadan waxaa ku heli kartaa iyagoo ah Post paid iyo prepaid.

Khibrad ka badan 10 Sanno

Shirkadda Telesom waxaa la aasaasay 2001 waxa ay keentay shaqo abuur badan, waxa ay dhistay aqoonta bulshadda gaar ahaane shaqaaleeda, waxay khabiir ku noqotay qalabka isgaadhsiinta. Waxa ay abuurtay hanaan ay ku noqotay hogaanka isgaadhsiinta iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay. Waxay noqotay shirkadii ugu horaysay ee ay wadda yeeshaan kun iyo dhawr boqol oo dad Somai ahi kuwaasi oo ku nool dalka gudihiisa, waddamada jaarka ah iyo dunida kale.

Latest News

Value Added Service (VAS)

AQOONMAAL

Aqoonmaal waa adeeg aad ka heli karto warar iyo aqoon guud

SHAAFI

SHAAFI waa adeeg loogu talo galay hooyada uurka leh

Ila-maqal

Ila-maqal waa adeeg aad ka heli karto codad aad ku sugi karto qofkaad la hadashay

Xarumaha Shirkadda Telesom