

Qodobada heshiiska
Heshiiskani waxa uu dhex maray labada dhinac ee kala ah Telesom iyo Macmiil-ka isticmaalaya adeega Ilasoco. Adeegani waxa uu macmiilka awood u siinayaa inuu arki karo meesha/goobta uu
jooga gaadhiga iyo guud ahaanba dhaqdhaqaaqa iyo xaalada gaadhiga isagoo ku helayaa xogta si live ah oo uu kala socon karo website-ka ama fariimaha (SMS)
Waajibaadka Telesom
Si adeega loo gaadhsiiyo macmiilka shirkdu waa inay diyaarisaa agab-ka iyo shaqaalaha hawshan qabanaya labadaba.
Network-ga looga baahanyahay in adeegani ku shaqeeyo waa kan Telesom
Shirkadu waa inay soo dallacataa biil-keeda bil walba dhamaad-keeda
Isticmaalka aan waafaqsanayn sharciga(ee aan la ogolayn)
Waxa macmiilka iyo shirkadu ku heshiiyeen in aan adeega ila-soco loo isticmaai Karin ujeedo kasta oo lid ku ah shuruucda dalka, iyo dhaqanka suuban ee diinta islaamka sida in la gudbiyo xog ka hor imanaysa sharciga, macmiilku waxa uu ogolaaday inuu u hogaansamo qodobada ku cad heshiiskan
Hadii qalabka waxyaalo kasoo gaadho taataabasho ama dhaawac la gaadhsiiyay awgii, macmiilku dib ayuu u iibsanayaa qalab cusub.
Hadii la xado lambarka sirta ah iyo user-ka wixii ka yimaada waxa masuul ka noqon doona macmiilka
IIaalinta xogta(account information)
In xogta la ilaaliyo oo aan user-ka iyo password-ku cid kale ogaanin waa masuuliyada macmiil-ka, sidoo kale, adeegyada gaar ka ah sida “disable/enable bottoms” hadii loo isticmaalo siyaabo qaldan wixii yimaada macmiilka ayaa ka masuul ah,
Xuquuqaha shirkada
Shirkadu waxay xaq u leedahay in ay wax ka badasho qiimaha ay adeega ku iibinayso iyadoo bil ka hor lala socodiisnayo macmiilka
Is badalada ku imanaya technology-ga awgii shirkadu waxay keeni kartaa gebi ahaanba adeeg cusub kaasoo ka manfac badan kii hore arintaas oo ah qayb kamid ah waajibaad-ka shaqo ee shirkada, sidaa daraadeed, waa in macmiilka lala socodsiiyaa wakhtiga ugu haboon.
Shirkadu masuul kama aha dayacaaada ka timaada dhinaca macmiil-ka sida battery-ga oo fadhiista, taataabasho, ku shubid biyo ama shay kale oo wax yeeli kara iyo wax kaste oo sabab u noqon karta in qalabku gudan kari waayo shaqadii loogu talo galay.
Lacag bixinta
Haddii uu macmiilku bixin waayo lacagtii adeega Telesom waxay xaq u leedahay in adeega ka joojiso macmiilka.
Macmiilku adeega iskama joojin karo iyadoo lacag lagaga leeyahay adeega illaa uu iska bixinayo
Hadii macmiilku gaadhiga iibiyo ama wareejiyo lacagta bill-ku isaga ayay ku soconaysaa illaa laba xaala mooyaane
Masuulka cusub ee gaadhiga iibsaday/la wareegay oo Telesom heshiis la gala iyadoo wixii dayn hore jiray ka hore bixinayo
Illaa inta lagasoo furayo ee qalabku gacanta Telesom soo galayo. Inta ka horaysa bill-ku waxa uu ku soconayaa macmiilka heshiiska lagula jiro
Wixii ka yimaada dabka gaadhiga muddada la xidhayo waxa ka masuul ah Telesom wixii intaa ka dambeeya Macmiilka ayaa ka masuul ah ciladaha ku iman kara dabka gaadhiga
Xuquuqda isticmaalaha (Macmiilka)
Hadii ba ay si uun u dhacdo in macmiilka laga qaado lacag dheeri ah waxa waajib ah in shirkadu lacagta soo celiso kadib marka ay cadaato in si qalad ah lacagtaa macmiilku ku bixiyay
Sida lagu yaqaano shirkada Telesom dhamaan xogta macaamiishu waa mid sir ah oo ay xaaraan tahay in gacan saddexaad ay hesho, heshiiskani waa mid sir ah oo ka dhexeeya shirkada Telesom iyo macmiilka adeegan oo kaliya
Magdhaw
hadii macmiilku si dayacaad iyo ula kac ah u khalkhliyo qalabka ama daryeeli waayo kadibna qalabku gudan kari waayo hawshii loogu tala galay waxa uu macmiilku bixinayaa qiimaha qalabka oo dhan $200