Berbera [TELESOM] Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraya Somaliland ayaa xaflad taariikhiya oo aan hore uga dhicin Somaliland ku qabatay magaalo xeebeeda Berbara. Xafladdan ayaa ahayd abaalmarinta horyaalka horyaaladda Somaliland ee sannadka 2021. Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom ayaa xafladdan wacdaro ka dhigtay iyadoo soo agaasintay isla markaana bixisay jaa'isadaha xafladdan lagu bixinayay. Sidoo kale shirkadda Telesom ayaa aad uga dhex muuqatay munaasibadan taariikhiga ah. Waxaana afka shirkadda ku hadlayay A/wahab Maax oo ah agaasimaha xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Telesom.
Waxaa xafladdan kasoo qaybgalay Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha, Badhasaabka gobolka saaxil, Duqa degmadda berbara.