Hargeisa [TELESOM] Waa noo farxad ah in aannu ka qaybgalno carwada shaqo-abuurka Somaliland oo saaka si rasmi ah uga furmaya caasimadda gobolka Awdal ee Boorama.
Maadama oo aannu nahay shaqo-geliyaha iyo shaqo-carbiyaha ugu ballaadhan dalka waxa aannu dhallinyarada ku wargelinaynaa in fursadaha shirkadaha Telesom kala socdaan boggaga aannu ku leenahay baraha bulshada.
Waannu ku boogaadinaynaa degmada Boorama oo si weyn u martigelisay shirkan oo ah mid fursad weyn u abuura dhallinyarada.